Diyaarad Ku Burburtay Degaanka Berdaale

Politics

Faahfaahin ayaa laga soo sheegaya diyaarad kuwa rakaabka ah ay ku dhacday garoonka diyaaradaha magaalada Bardaale ee gobolka Bay, sida ay sheegeen Dadka degaanka…

Wararka laga soo xigtay Mid ka mid ah howlwadeenada Shirkadda Diyaaradaha African Express ayaa sheegay in diyaaradooda oo nooceedu aheyd Embrear 120 sumadeeduna aheyd 5Y AXO Milkiilaha Diyaarada lagu magacaabo Captain Muuse Xasan Bulxan oo ku duuleysay 10000 ft si ku tala gal ah loo soo riday, xilli ay ka dageysay Garoonka Bardaale.

Diyaarada oo ahaa nooca yar ayaa waxaa saarnaa dad ay ka soo qaaday Baydhabo, ugu yaraan 6-qof ayaa ku dhimatay.

Ciidamada Ethiopia ee saldhiga ku leh Garoonka Bardaale ayaa la sheegay inay ku dhufteen diyaarada qoriga Sabanka ee RPG, Diyaaradda ayaa lagu warramayaa inay ku dhacday meel u dhow garoonka, oo banaanka ah.

31860cookie-checkDiyaarad Ku Burburtay Degaanka Berdaale