Maamulka Dooxa Oo Gaargaar Gaarsiyay Dalal

Politics

Maamulka Dooxa oo lagu tiri you iney tahay Dalka Go’doonka siyaasadeed geliya Somalia, ayaa wada deeqda qalabka caafimaad ee ay siineyso dalalka caalamka si loogula tacaalayo cudurka Covid-19 ayaa shixnado cusub gaarsiiyay dhowr dal….

Dalalkii ugu dambeeyay ee Maamulks Qatar ugu deeqay Qalabka caafimaad ayaa kala ah: Rwanda, Tunisia, Iran, Nepal iyo Algeria, waxaana dalalkaasi gaaray diyaarado xamuul oo sida qalabkaasi caafimaad.

Dalka Rwanda waxaa maanta la gaarsiiyey 15-Tan oo qalab caafimaad ah oo ay ka mid yihiin qalabka PPE ay xirtaan dhaqaatiirka iyo qalab caafimaad oo kala duwan, waxaana loo mariyey Sanduuqa Horumarinta Qatar.

Dhinaca kale dalalka Algeria iyo Tunisa ayaa la gaarsiiyey Deeqda ka timid dalka Qatar, iyadoo Iiraan markii saddexaad ay Dowladda Qatar u dirtay deeq qalab caafimaad ah oo dhan 16-tan, halka dalka Nepal sidoo kale la gaarsiiyey deeqda ka timid Amiirka Qatar.

Amiirka Qatar ayaa hore deeq caafimaad ugu diray inta badan dalalka Yurub, maamulka Falastiin, Lubnaan, iyo dalalka Carabta ee kale.

Maamulka Farmaajo oo saaxiib dhow la ah ayaan weli taageero caafimaad ka helin dowladda Qatar, waxayna wararku sheegayaan in codsi hore loogu diray dalkaasi si dhinaca cudurka Covid-19 uga saacido Soomaaliya.

30920cookie-checkMaamulka Dooxa Oo Gaargaar Gaarsiyay Dalal