Diyaarinta Xeerarka Doorashada..

Politics

Guddoomiyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa magacaabay Guddi Wadajir KMG ah, kuwaasoo soo diyaarinaya xeerarka dhameystirka sharciga doorashooyinka Qaran, sida goobaha la dhigi doono kuraasta Xildhibaannada iyo habraaca doorasho.

Guddigan wadajirka ayaa ka kooban 17 xubnood oo isugu jira 10 Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka iyo 7 Senator ka tirsan Aqalka sare.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Dhismaha guddigaan ujeedada ka dambeysa ay tahay sidii loo yareen lahaa saameynta iyo xulashada Xildhibaanada ee Dowlad goboleedka Puntland, iyadoo Xildhibaanada Gobolada Sool, Sanaag-Bari iyo Degmada Buuhodle la qorsheeyay iney Doorashadoodu lagu qabto goob ka baxsan Puntland.

Xildhibaanada iyo Wasiirada Maamulka Villa Somalia ee ka soo jeeda degaanada kor ku xusan oo dagaal kala dhaxeeyo Maamulka Puntland isla markaasna loo diiday iney Xafiisyo ka furtaan degaanadaasi ay la sheegay iney qorshahaan ay ka dambeeyaan si ay u xaqiiqsadaan in Doorashada 2020 loogu qabto Magaalada Muqdisho.

19820cookie-checkDiyaarinta Xeerarka Doorashada..