Muwaadiniinta Mogadishu Oo u Dhaxeeya Dilalka Shababka & Caga-jugleyda Ciidamada Dowladda 

Somalia news

Sanadihii ugu dambeeyay waxaa aad u soo kordhaayay culeysyada Baqdin gelinta ee Baada dhaqaale ee Dilalka xambaarsan Kooxda Shababka iyo caga-jugleynta Xoogaga Amaanka Dowladda ee Muqaadiniinta Soomaaliyeed ee kala kulmayaan dhinacyadaan, iyadoo shaki la geliyay dhinaca u roon Shacbiga…

Muddo 6-Sano ah ayaa Kooxda Argagixisada waxey Baad dhaqaale ka qadanaayaan Dekada, Garoonka Diyaaradaha iyo Suuqyada Magaalada Mogadishu, waxaana u fududeeyay Maamulkii Fashilmay ee Farmaajo, Maamulkaan cusub oo loo hanweynaa ayaa durbadiiba bilaabay Dhaqamadii Siyaad Barre iyo Farmaajo.

Howlgal ay fuliyeen Xoogaga NISA ayaa lagu sheegay in lagu soo qabtay Muwaadiniin Soomaaliyeed kuwaasoo looga yeeray Fariisimada Kooxda Argagixisada Shababka ee Duleedka magaalada Mogadishu, Dadkaan ayaa doraad laga soo qabtay inta u dhaxeysay degaanka Kaxda iyo Ceelashada biyaha waxaana tiradoodu lagu sheegay 10-Qof, iyagoo lagu eedeeyay inay cadaalad u raadsadeen ama looga yeeray Maxkamad ku sheegyada maleeshiyada.

Qoraalka Hey’adda NISA ayaa ka muuqata in hanjabaado loo jeedinaayo Muwaadiniin markoodii horeba culeysyo cabsi gelin ah kaga imaanaayay Horjoogayaasha Kooxda, iyadoo halkii iskaashi iyo kalsooni la dhex sameysan lahaa lagu dhaqaaqay ficilo taageeraya kooxaha argagixisada, waana ayaan darro in Shacbigu Caasimada uu ku noolaado laba dhagax dhexdood.

Suurtagal ma tahay in la helo qorshe cad oo Dowladeed oo xakameeya howlgalada Argagixisada Shabaabka, ugu yaraana (joojiyaan) Dhaqaale (Baada) ay Caasimada ka aruursadaan, isla markaasna dejiya qorshe lagu sugi karo Amaanka Shacbiga ama looga hortegi karo dilalka joogtada noqday ee Muwaadiniinta loo geysanaayo lagana gudbo Tacsi iyo Boola-xoofto.

215570cookie-checkMuwaadiniinta Mogadishu Oo u Dhaxeeya Dilalka Shababka & Caga-jugleyda Ciidamada Dowladda 
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com