Doorasho Mise Dad Dooran Oo Dalka Dagaal…

Politics

Xiritaankii Barlamaanka ee kala fadhigiisii 6-aad ayaa waxaa  loo qabtay xaflad ujeedo badan ahayd,iyadoo oo Shacbiga Somaliyeed ay Maamulka Fadhiidka ah uga fadhiyeen inuu arrimaha murugsan ee dalka uu warbixino ka siiyo.

Madaxweynaha ayaa wuxuu goobtaasi ku saxeexay sharciga guud ee doorashooyinka, kaasoo ah sharci aan u muuqan inuu xiligaan aysan suurto gal aheyn inuu dhaqangalo balse mustaqbalka waxa lagu dul dhisi karo.

Ujeedada Farmaajo uu sida dhaqsaha ugu  saxiixay sharciga doorashada ayaa waxaa qayb ka ahaa inuu ku beego saxiixa warbaxinta afar bilaha ah ee looga hadlo arimaha Soomaaliya oo todobaadka soo socda ka dhacaya New York, sidaas darteedna uu aqoonsi ugu helo beesha caalamka.

Farmaajo oo aad u ogsoon in ayan marnaba suuragal noqon karin  in qaybo ka mida sharciga doorashooyinka la meel mariyo, ayaa doonayo inuu eeda iska leexiyo isaga oo dhahaya aniga waan saxiixay hadii la fulin wayo sharciga doorashada  dembigaasi aniga ma lihi, sidaas darteed uu jideeysto inuu helo waqti kororsi 2-sano ah.


Bulshada Soomaaliyeed ayaa u dheg taagayay iney Jawaab u helaan Qodobada muhiimka ee u baahan xal deg deg ah sida:-

  1. Khilaafyada ka dhex oogan Madaxda Dowlad goboleedyada iyo Maamulka Farmaajo, iyadoo muddo xileedkiisii uu ka dhiman yahay wax sannada ka yar
  2. Dhibaatada ay dowladda ka waddo Jubbooyinka iyo tan ay ka abuurtay Galmudug
  3. Isbaarooyinka Muqdisho iyo Shabaabka ay gacanta u wada gashay marka hal kilomitir laga reebo.
  4. Xiriirka dalka Kenya oo ay Somaliya ciidamo ka joogaan oo sii xumanaya.
  5. Wadahadalladii Somaliland oo khater sii galay markii RW Ethiopia oo tiisa ka shaqeynaya oo uu Farmajo ku yiri Hargeysa ayaan ku geynayaa, iyadoo maamulka Somaliland uu diiday inuu Farmajo tago Hargeysa.
  6. Goorta saxda ah ee ay dalka Doorasho ka dhaceyso.
  7. Heshiiyada mar waliba la saxeexo ee Ethiopia, Eritrea iyo Somalia oo aan loo soo bandhigin Shacbiga.

18150cookie-checkDoorasho Mise Dad Dooran Oo Dalka Dagaal…