EU-da Oo Aqoonsanaaya Falastiin..

World

Dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub ayaa lagu wadaa inay dal u aqoonsadaan Falastiin, kadib hindise uu soo gudbiyey dalka Luxembourg…

Wargeyska Yedioth Ahronoth ee Israel ayaa qoray in wasiirka arrimaha dibedda Luxembourg, Jean Asselborn uu arrintan kala hadlay dhigaggiisa Yurub, ayada oo qorshuhu uu yahay heshiis la isku raacsan yahay oo lagu aqoonsanayo Falastiin.

Hindisahan ayaa waxaa lagala hadlay wasiirada arrimaha dibedda France, Spain, Finland, Ireland, Portugal, Malta, Sweden iyo Slovenia, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu soo xigtay warbixinta.

Martiqaadka uu fidiyey Jean Asselborn ayaa la mid ah baaq hore oo uu bishii December ee 2019 si isku mid ah ugu jeediyeen dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub kadib warqad uu u diray madaxa siyaasadda arrimaha dibedda ururka Josep Borell, kaasi oo uu ku sheegay in sida kaliya ee lagu bad-baadin karo xalka laba dal uu yahay in la abuuro “xaalad isu dhiganta” oo u dhaxeysa Israel iyo Falastiin.

Hindisahaan cusub ayaa loo arkaa inuu jawaab toos ah u yahay qorshaha madaxweynaha Mareykanka Donal Trump ee loogu magac daray “Heshiiska Qarniga”, kaasi oo si carro leh ay u diideen Falastiiniyiinta oo ku qeexay mid la isugu dhiibayo dalabyada Israel.

Qorshaha Trump ayaa Falastiiniyiinta siinaya dhul kooban oo ku yaalla duleedka Qudus oo ay caasimad ka dhigtaan, halka Israel uu u damaanad qaadayo inay dalkeeda ku darsato qeyb ballaaran oo ka mid ah Daanta Galbeed.

18190cookie-checkEU-da Oo Aqoonsanaaya Falastiin..