Dowlada Federaalka Oo Guulo ka Sheegtay La-Dagaalka Kaluumeysiga Sharci Darrada ah ee Badda..

Somalia news

Inkastoo si sharci darro ah boob loogu hayo Kheyraadka Badda ee Somalia, ayaana Wasiirka wasaaradda Kaluumeysiga Mr.Axmed Xasan Aadan oo wareysi uu siiyay warbaahinta Diwlada ku sheegay iney qaadeen dadaalo xoog leh oo ka dhan ah kaluumeysigii sharci darrada ahaa ee badeenna ka socday muddo dheer..

Wuxuu hoosta ka xariiqay Wasiirku, in Dowlado badan laga saaray Badeena, qaarna hadda lagu talo jiro, maaldaama ay ku xadgudbeen nidaamka kaluumeysiga badaha, Maaddaama ciidankeenu Badda uusan jirin ama awood badan uusan horey u lahayn, dalkana soo korayay, waxaa iska dayacnaa runtii Baddeenu oo aad u balaaran,marka waxaa batay dad badan oo si sharci daro ah uga kalluumeysto, waayahan dambe waxaan ku qaadnay dagaal xoog badan mid sharci oo aan dacweyneyno dadka ku lug leh waxaa, dignoono oo aynu soo saarnay iyo dowladda Soomaaliya oo awood u yeelatay Tiknooloji ahaan in ay Badda ilaaliso oo aan ogaan karno maraakiibta Baddeenu soo marto nooca ay yihiin.

Laakin waxaa dood adag ka taagan tahay Maraabiibka Shatiyada ay siiyeen Dowlada Federaalka iyo Maamul Goboleedyada iney ka Kaluumeystaan dhaqaalaha laga qaado halka lagu shubo, waxaana marqaati ma doonto ah iney dhaqaalahaasi ay ky dhacaan Akoono gaar ah oo aan qasnada Dowlada Federaalka lagu shubin waana ayaan darro in Falkaasi muddo dheer soo socday.

335570cookie-checkDowlada Federaalka Oo Guulo ka Sheegtay La-Dagaalka Kaluumeysiga Sharci Darrada ah ee Badda..