Dhibaatada Caafimaad Ee Dadka Qaarada Afrika & Madaxdooda Oo Dibeda Daawo U Doonta

Somalia news

Dhacdooyinka ugu xanuunka badan ee ka dhaca guud ahaan Qaaradda Afrika ayaa ah in Hoggaamiyeyaasha Afrika iyo qoysaskooda ayaa caafimaadka u doonta Dalalka Reer Galbeedka iyo kuwa Carabta, waxeyna talaabadaasi ku ifineysaa in aanay Dhakhaatiirta dalalkooda ka howlgala aaneyn isku haleyn.

Waxaa jirta Maahmaah Afrikaan ah oo tiraahda ”  if a man does not eat at home, he may never give his wife enough money to cook a good pot of soup”, haddii Ninku aanu wax ka cunin Gurigiisa, waxaa laga yaabaa in aanu marna Xaaskiisa siinin Dhaqaale ku filan oo ay ku kariso Dheriga Maraqa wanaagsan leh.

Waa arrin dhif iyo naadir ah in la arko Madaxweyne, Ra’iisalwasaare iyo Dhamaan Wasiiro u dhashay Qarada Afrikaan iney Daaweyn iyo xarumo Caafimaad oo dheeli tiran iney ka helaan dalkooda, sababta oo ah iyaga ayaan marka horaba ku talagalin in ay isku Daaweeyaan.

Dib u xasuuso Sanadkii 2017 waxaa halmar kulmay Madaxwaynayaasha ay ka midka yihiin , Muhammadu Buhariga Nigeria wuxuu u joogay UK arin Caafimaad, Eduardo Dos Santos oo Angola ah wuxuu u joogay xaalad caafimaad Dalka Spain, Patrice Talonka Dalka  Benin ayaa isna ku sugnaa isla xiligaasi Dalka France gaar ahaan Caasimada Paris iyo Robert Mugabiga   Zimbabwe oo baaris caafimaad loo dhigay Isbitaalku yaala dalka Singapore, Farmaajo oo Tinta loogu abuuray Dalka Turkiga.

Hadaba waxa aad u layaab badan xaataa marka ay Dibadaha shirarka ugu baxayaan waxey intaasi gaafwareegayaan Isbitaalo naftooda ay ku raali galinayaan, waayo wuxuu dareesan yahay in aanu dalkisii u dhisin Isbitaal tayo Leh oo isku halayn karo, halkayse ku ilaaween dadkii ay Ma’suulka ka ahayeen.

Cafimaad darada Afrika ka jirtaa waxay horseeday in Cudurro badan oo dilaa ahi ay dhamaan dadka Afrika Carruurtoodii iyo dhamaan Hooyoyinkiiba ay ku dhibaataysan yihiin dalka gudahiisa, Halku dhega la magac baxay “”Dalxiiska Caafimaadka”” ee ay samaysteen  Madaxweynayaasha iyo Siyaasiyiinta Qaaradda Afrika ayaa waxa uu salka ku hayaa lunsiga iyo Boobka Hantida dadkan silcaaya ee nolol maalmeedka la’daala dhacaaya.

142870cookie-checkDhibaatada Caafimaad Ee Dadka Qaarada Afrika & Madaxdooda Oo Dibeda Daawo U Doonta