Share the post "Dowlada Federaalka Oo la Wareegtay Akoono Lacago Ku Jireen & Xogta Cidda iska Leh.."
Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgal lagula wareegay Akoono ay ku jireen Lacago badan loona badinaayo iney iska leeyihiin Kooxda Argagixisada Shababka, iyadoo sidoo kale waxaa la burburiyey shabakad dhanka maaliyadda u qaabilsaneyd kooxda…
Qoraal uu soo saaray Xafiiska Xeer-ilaalinta Qaranka ayuu lagu xusay “iyadoo uu Xafiiska gudanaya waajibaadkiisa shaqo ayaa ku guuleystay inuu burburiyo shabakado maaliyadeed oo ay kooxaha argagixisadu ku dhici jireen hantida Shacabiga Soomaaliyeed, Lacagta ay Dowladu la wareegtay waa hal Milyan oo doollar oo laga helay akoonada Shabaabka”.
Wararka ayaa sheegaya in la xayiray dhaqdhaqaaqa akoono kale oo kooxda Argagixisada Shababka looga shakiyey, kuwaasoo malaayiin doollar ay ku jirto, waxaana ku socda baaritaano, Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa sheegay in Koontooyinkan marka baaristoodu soo dhammaato, natiijada loo gudbinayo Maxkamada awooda u leh qaadista Dacwadaan.