Su’aalaha ku Gedaaman Cunaqabateynta Hubka ee Somalia & Dabarka ku Wareegsan..

Somalia news

Inkastoo Maamulka Villa Somalia oo muddo Sanad ah Xukunka haya isla markaasna qaaday Dagaalo aan qorsheysneyn oo fudud iyo laab la kac ka muuqda ku qaadeen kooxda Argagixisada Shababka kana qabsadeen degaano badan oo ku kala yaal Maamul Goboleedyada Hirshabelle iyo Galmudug..

Madaxweynaha ayaa Safarkiisii 3-aad ku tagay Dalka Mareykanka wuxuuna ku booriyay Golaha Amaanka in laga qaado cunaqabateynta Hubka saaran Somalia, isagoo sheegay in xayiraadani aysan ka soo bixin ujeedadii laga lahaa isla markaasna ay davartay Howlgalada wajiga 2-aad ee la qorsheeyay inuu bilaawdo.

Khubarada dhanka Amaanka ayaa saadaaliyay ineysan xiligaan u badneyn in Golaha Amaanka qaadaan xiligaan Xayiraada Hubka, iyadoo hadii aan qorshe cad isla meel dhigin Somalia iyo Golaha Amaanka ay sii jiri doonto Cunaqabateynta Hubka in muddo ah, talabadaan ayaana u muuqata iney niyad jab ku keeni karto Ciidamada iyo Xoogaga Hubeysan iney ka xoreeyaan Degaanada kooxda Argagixisada.

Falanqeeyayaasha ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay Khilaafka Siyaasada iyo kororka gacan ka hadalka Beelaha (Dagaalada Laas caanood, kuwa ka dhacay Baraawe, Ceel barde & Garoowe), ku darsoo in Racfaan laga qaato Cunaqabateynta Hubka oo Somalia saaran muddo 33-sano ah, Golaha Amaanka oo soo saaray Qararka tirsigiisu yahay 2093, Sanadkii 2013-kii ayaa dabciyay una oggolaaday iney Somalia heshi noocyo gaar ah oo cayimin oo Hub ah.

Dalalka ay Saaran tahay Xayiraada Hubka:-

Iraq, Myanmar (oo la oran jiray Burma), Nagorno-Karabakh, Ururka amniga iyo iskaashiga Yurub (OSCE) ayaa cunaqabatayn xagga hubka hubka ku soo rogay, gobolkaas oo ay ku dagaallameen Armenia iyo Azerbaijan, taasoo saarnayd tan iyo 1992, Dalka Liberia waxaa laga soo bilaabo 1992 ilaa maanta saaran cunaqabatayn ay ku soo rogeen Qaramada midoobay iyo Midowga Yurub, Congo April 1993 ayaa Jamhuuriyadda Dimoqaraadiga Koongo (oo hore loo oran jiray Za’ire) waxaa la saaray cunaqabatayn xagga hubka ah oo midowga Yurub uu ku soo rogay, Dalka Suudaan waxay cunaqabataynta hubka ee Midowga Yurub saaran tahay tan iyo 1994 ilaa hadda, waxaana lagu soo rogay markii uu dhacay dagaalkii sokeeye ee labaad ee dalkaas ka dhacay, Zimbabwe Midowga Yurub wuxuu cunaqabatayn xagga hubka ah ku soo rogay Zimbabwe Febraayo 2002, taasoo ilaa maanta saaran iyo Ivory Coast Dalkaas ku yaalla galbeedka Afrika waxaa xayiraadda hubka lagu soo rogay Nofembar 2004, waxaana ku soo rogay Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay.

262940cookie-checkSu’aalaha ku Gedaaman Cunaqabateynta Hubka ee Somalia & Dabarka ku Wareegsan..