Dowlada Federaalka Oo Shaacisay in Ciidamada Ethiopia Laga Reebay Howlgalka Cusub ee AUSSOM..

Africa News Security Somalia news

Wasiirka Wasaarada Gaashaandhigga Dowlada Fedaraalka Somalia Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa xaqiijiyay in howlgalka cusub ee AUSSOM ee badalaya ATMIS laga reebay iney qeyb ka noqdaan Ciidamada Dowladda Ethiopia, talabadaan ayaa u muuqta mid dib u dhac ku keentay Siyaasada Maamulka Abiy ee Addis Abebe..

Wasiir Jaamac oo wareysi kooban siiyay Warbaahinta Dowlada ayaa sheegay in sababta looga reebay ciidanka howlgalka bilaabanaya sanadka soo socda ee 2025-ka inuu yahay mid la xariira xadgudubka Ethiopia ay kula kacday madax banaanida Somalia.

“Ciidamada Ethiopia si rasmi ah ayaa looga reebay howlgalka cusub ee ciidamada ka socda Midowga Afrika ee Soomaaliya ka bilaabaya horaanta sanadka 2025-ka, sababto ah Itoobiya waxay kusoo xadgudubtay madax banaanida iyo midnimada dhuleed ee Somalia” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga.

“Dowladaha cusub ee qeybta ka ah howlgalkaan iyo kuwa dib uga mid noqonaya howlgalka cusub dib ayaa ka soo shaacin doona, howlgalkan waxa uu kaga duwanan doona kii hore waa tiro kooban oo ka howlgali doono meelo kooban, waxayna si toos ah ula howlgali doonaan ciidanka xoogga ee dagaalka kula jiro Khawaariijta, maadama howlgalkaan uu noqon doono mid sifeyn ah” ayuu yiri Wasiirka 

Talaabadaan Ciidanka Maamulka Addis abeba looga reebay howlgalka bilaaban doona dhawaan ayaa imaaneysa, iyadoo marar badan Dowladda Federaalka ay horay u shaacisay in ciidanka Ethiopia ka mid noqon doonin howlgalka cusub hadii aysan ka laaban heshiiskii ay la gashay Somaliland ee ku aadana iney hesho qeyb ka mid ah biyaha iyo dhulka Somalia.

349100cookie-checkDowlada Federaalka Oo Shaacisay in Ciidamada Ethiopia Laga Reebay Howlgalka Cusub ee AUSSOM..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com