Taageerayaasha Farmaajo Oo Abaabulo Dagaal Ka Wada Mogadishu

Somalia news

Warbixino hordhac ah ayaa muujinaaya, in tiro Horjoogayaal ah oo aad u taageersan Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo ay ku guda jiraan abaabul Maleeshiyaad iyo hub uruursi, waxaana dhaqdhaqaaqooda iyo abaabulkooda la sheegay in xiriir la leeyahay Xiisada ka dhex taagan Madaxweynaha & Wasiirka 1-aad Ee Dowladda xil gaarsiinta…

Ilo wareedkaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegay in Horjoogayaasha kala ah Cumar Filish, Cali Maxmed Geedi, Tarsan iyo xubno kale ay Maalmihii ugu dambeeyay ku guda jireen hub uruursi iyo gadashada gadiid dagaal, iyagoo sidoo kale Jufooyinka hoose ay weydiisteen tiro dhalinyaro ah.

Dhaqdhaqaaqan ayaa ku soo beegmay xili maalmahaan ay magaalada Muqdisho wajaheyso xiisad siyaasadeed culus oo ka dhalatay kiiska Ikraan Tahliil, kaasoo sababay Mas’uuliyiinta dowladda u kala qeybsamaan qaar la safan Farmaajo iyo qaar lasafan Rooble.

Dhamaan xubnaha mucaaradsan Rooble ee toos ugu Farmaajo & Fahad ayaa dhaqaale lagu siiyay iney diyaariyaan Maleeshiyaad iyo hub, iyo gaadiid dagaal, iyagoo sidoo kale la sheegay in loo cayimay aag dagaal, hadiiba uu dagaal ka qarxo Magaalada Mogadishu.

142120cookie-checkTaageerayaasha Farmaajo Oo Abaabulo Dagaal Ka Wada Mogadishu