Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qorasl ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Dibeda er Dowlada Ghana ayaa lagu xusay in si KMG ah loo xiray Safaaradeeda Magaalada Washington kadib markii ay soo shaac baxday fadeexad la xiriirta dhanka Dal ku galka…
Wasiirka Arrimaha Dibeda Mr.Samuel Okudzeto Ablakwa ayaa sheegay in safaaradda si KMG ah loo xiri doono kadib “baaris hordhac ah ay sameeyeen koox hanti dhowr ah si ay u baaraan musuqmaasuqa hareeyay Xafiiskooda diblomaasiyadeed ee Washington, iyadoo xiritaankani uu socon doonaa “dhowr maalmood” ilaa “dib u habeyn lagu sameeyo nidaamyada” la xiriira Dal ku galka.
Sida laga soo xigtay Ablakwa, xubin maxalli ah oo shaqaale ah iyo “la-shaqeeyayaal” ayaa lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen “khiyaano” qorshe ay dhaqaale uga macaashaan si ay u soo saareen fiisaha iyo baasaboorka codsadayaasha, Waxaa lagu eedeeyay in qorshahan uu ka koobnaa in la sameeyo xiriir aan la fasixin oo lagu sameeyo website-ka safaaradda si dadka fiisaha iyo baasaboorka dalbanaya loogu wareejiyo shirkad gaar loo leeyahay halkaas oo “laga qaado lacago dheeraad ah oo adeegyo aysan Wasaaradu la socon.
Codsadayaasha raadinaya fiisaha waxaa laga qaadi jiray lacago aan la ansixin oo u dhexeeya ku dhawaad $30 ilaa $60 kuna dhici jirtay Account-yo shirkadda gaarka loo leeyahay, “Boobkaan ayaa waxaa lagu wargeliyay Xafiiska Xeer ailaaliyaha guud si dacwad lagu soo oogo isla markaasna la xayiro lacagaha ku jira Account-yada.