Kenya Oo 700.000 Oo Neef Oo Lo’ ah u Dhoofineysa Sanadkii Dalka Indonesia

Africa News

Wadamada Galbeedka Aasiya ayaa heshiis la galay Dalka Kenya si sare loogu qaado Ganacsiga Xoolaha Nool, iyadoo laga bilaabo Xagaaga 2023-ka, Maamulka Nairobi ay u doofin doonaan Dalka Indonesia 700.000 oo Neef oo Lo’ ah sanadkii sida ay shaacisay Xukuumada Kenya dhawaan…

Dhiofintaan ayaa qeyb ka ahaa Heshiis ay maalintii Talaadadii tagtay ku gaareen Wasiirka Ganacsiga Kenya Mr.Moses Kuria iyo Agaasimaha guud ee wax soo saarka Xoolaha iyo Caafimaadka ee Dalka Indonesia Mr.Ir Nasrullah, Wasiirka Kenya oo xiligaan safar ku kooga Magaalada Jakarta ayaa kulamo kala duwan ka qaatay Mas’uuliyiinta Dalkaasi iyo Ganacsatada Xoolaha dhaqata.

Wuxuuna Wasiirku sheegay iney ku heshiiyeen laga bilaabo Bisha August Sanadkaan la bilaabi doono dhoofinta Xoolaha, iyadoo Shixnada ugu horeysay ay noqon doonto 20.000 oo Neef oo Lo’ ah, iyadoo Madaxweynaha Indonesia lagu wado inuu booqdo Dalka Kenya inta uusan dhamaan sanadkaan inkastoo aan la cayimin.

Dalka Kenya ayaa dib u bilaabay Dhoofinta Lo’da, iyadoo la sheegay iney u iib geysay Dalka Cumaan, kadib markii xayiraad ay Maamulka Nairobi saareen dhoofinta xoolaha 16-sano ka hor, waxaa la sheegay in sanadkii ay awoodo iney dibada u dhoofin karto 500.000 oo Lo’ ah, Dib u fasaxida dhoofinta Xoolaha ayaa la sheegay inuu gaaray Madaxweynaha Kenya.

255280cookie-checkKenya Oo 700.000 Oo Neef Oo Lo’ ah u Dhoofineysa Sanadkii Dalka Indonesia
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com