Dowlada Oo Hor-istaagtay Diyaarad Gargar U Siday Gedo

Politics

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya inay xayirtay diyaarad gurmad noocyo kala duwan ah u sida Gobola Gedo.

Isagoo caawa magaalada Kismaayo kula hadlay saxafiyiinta ayuu sheegayin Dowlada Federaalka ah ay hortaagan tahay diyaarad sida gurmad loogu talogalay ka hortaga Cudurka Covid-19 iyo fatahaadaha ka taagan Gobolka Gedo.

Maxamud Sayid Aadan ayaa sidoo kale sheegay in maamulka Jubbaland uu go’aano adag ka qaadan doonto Dowlada Federaalka Soomaaliya oo uu sheegay inay qalalaase siyaasadeed ka wado Gobolka Gedo.

Dhanka Kale, Mr.Maxamuud Sayid ayaa xoogan u cambaareeyay xarig Sharci darro ah iyo Afduub lagula kacay Gudoomiyihii degmada Garbahaarey Iman Caddow Kaarshe, wuxuuna falkaasi ku Eedeeyay Madaxtooyada Villa Somalia iyo Hey’adda NISA, isagoo ugu baaqay iney si shuruud la’aan ah loo siidaayo.

33550cookie-checkDowlada Oo Hor-istaagtay Diyaarad Gargar U Siday Gedo