Sarkaal Laga Afduubtay Hotel Uu Degenaa…

Politics

Macluumaad hordhaca ah ayaa laga soo sheegaya Afduub ay Ciidamo ka tirsan Maamulka Farmaajo ka fuliyeen xalay Hotelka jaziira ee magaalada Muqdisho, iyagoo kala baxay General Mascuud oo ah Sarkaalkii ka hor istaagay in la xiro Hogaanka Ahlu Sunnah..

Xogtaan ayaa Diinah.com u sheegtay in Gen Mascuud uu shalay galab soo Gaaray magaalada Muqdisho, iyadoo xiliyadii ugu dambeeyay uu jiray khilaaf xiogan oo u dhaxeyay Sarkaalka iyo Mr.Farmaajo, wuxuuna khilaafkaas oo salka ku hayay in Genaralka uu warejiyo hubkii iyo ciidamadii Ahlusunna.

Hogaanka Ahlusunna ayaa mar kale soo laba kacleyay Kadib markii ay ka dhamaaden deeganada Galmudug, horayna waxa ay u sheegen in siyaasadda ay faraha kala baxayaan.

Xiisadaan ayaa la sheegay iney salka ku heyso Naceyb iyo in Mr.Farmaajo uu doonaayo inuu degaanka Dhuusa mareeb ka bilaabo dagaal beeleedyo salka ku haya sad buursi, waxaana laga digay in xaalada ay faraha ka baxdo.

21270cookie-checkSarkaal Laga Afduubtay Hotel Uu Degenaa…