Dowlada Sacuudiga Oo Loogu Baaqay iney Hakiso Dilalka Dembilayaal..

Security World

Warbixino hordhac ah oo laga helay Hey’adaha Xuquuqda Aadanaha ayaa daaha ka rogeysa in Maamulka Riyad laga codsaday iney dib u dhigeen tiro Dad u dhashay Ethiopia oo dil ku xukuman kuwaasoo la sheegay in qisaastooda la fulin doono Xaflada Ciid ee ku aadan 6-da Bisha Jun…

Wararka ayaa sheegaya in Ehelada Dadka Dilka ku xukuman ayaa Warbaahinta u sheegay in Dadkaan lagu fulin doono Dilalka ka hor Ciida Arafo 7-Maalmood naga xigto, iyadoo la sheegay in Bilihii tagay Hal Qof lagu fuliyay Dilka, iyadoo Hey’adaha Xuquuqda Aadanaha ku guuldareysteen iney in la hakiyo Dilkaasi.

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa tilmaamaya in ka badan 40-Qof oo Soomaali ah lagu xukumay dil ayna ku xiran yihiin Xabsiyada Dalka Sacuudiga inkastoo aan la shaacin wakhtiga lagu fulinaayo xukunka, Maamulka Boqortooyada Sacuudiga ayaa inta badan Dembilayaasha lagu xukumo Dilka ay yihiin Dad lagu qabtay Mukhaadaraadka (Darooga), iyadoo Shacbiga Dhalinyarada Sacuudiga aad u isticmaalaan mandooriyaha.

374670cookie-checkDowlada Sacuudiga Oo Loogu Baaqay iney Hakiso Dilalka Dembilayaal..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *