Qeylo dhaan laga Keenay Qiima koror ku yimid Maciishadda iyo Shacbiga Oo aan Awoodin

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya degaanka Dhoobley ee Gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya Dhoobley in is baddel dhanka Maciishadda ah iyadoo Magaaladaasi martigelisay Qoysas kasoo barakacay Abaarta Dalka ka jirta…

Qoysaska Barakacayaasha ah ayaa sheegay in aysan awoodin in ay iibsadaan Maciishadda qiimaha ku kordhay maadaama xoolihii ay dhaqanayeen abaartu baabi’isay halka ay kasoo tageen deegaannadooda.

Waxay sheegeen in dhibaatooyin dhanka nolosha ah ay lasoo deristay kadib markii ay kor u kaceen qiimaha raashinka quutul-duuriga (Cunnooyinka joogtada loo isticmaalo) sida Bariiska, Burka, Salidda & Sokorta oo dhammaan laba laab noqday lacagaha lagu iibinayo.

Loorka Bariiska ah waxa uu jooji jiray $14 (Toban & afar dollar) iyo wax ka yar balse maanta waxa uu gaaray $30 (soddon dollar), Qof maalintii soo hela $2 ma awoodo in uu iibsado, sokortana way kasii daran tahay” halka 20ka Liitar ee saliidda ee la iibinayay $20 waxaa maanta la iibinayaa $40 ilaa $50, ayuu yiri qof kamid ah Dadka Barakacayaasha ah ee sicir bararka ka cabanaya.

199760cookie-checkQeylo dhaan laga Keenay Qiima koror ku yimid Maciishadda iyo Shacbiga Oo aan Awoodin