Aqalka Senate ee Dalka Mareykanka ayaa oggolaaday soo jeedin ka timid Maamulka Baden, kaasoo u xushay in Safiir uu ka noqdo Dalka Somalia, Danjirahaan ayaa horey uga soo shaqeeyay Dalalka xasaradaha ka aloosan yihiin sida Irak (2 jeer), Afghanistan (3-jeer), Pakistan iyo Yemen…
Wararka ayaa sheegaya in Danjiraha cusub lagu magacaabo Mr.Richard H.Riley, iyadoo sanadkii hore magacaabistiisa loo gudbiyay Guddiga Senate u qaabilsan arrimaha Dibeda kuwaasoo oggolaaday wareysi kadib una gudbiyay Gudoonka Aqalka Sare ee USA, kuwaasii la sheegay iney ansixiyeen.

Dad badan ayaa aamisan in Danjirahaan uu khibrad u leeyahay sida loo qaso Dalal markoodii horeba Dagaalo sokeeye ay la dageen, waxaana sugeysa howl adag oo ah sidii uu u sii kala fogeyn lahaa Villa Somalia iyo Maamulada Gobolada isla markaasna dalku dib ugu noqon lahaa Dagaaladii sokeeye.