Wasiirka Gaashandhigga oo Ka Hadlay Fadeexada ku Gedaaman Xatooyada Raashinka Ciidamada Danab..

Somalia news

Faahfaahin ayaa laga helayaa Wareysi uu siiyay Wasiirka Gashandhigga Maamulka Xasan Sheekh ayuu ku sheegay in dhaca iyi xatooyada Raashinka Guutada Danab la xaqiijiyay in laba toddobaad ka hor la dhacay, iyadoo qaar ka mid ah Saraakiishii ay ku lug lahaayeen ayaa la qabtay lana diyaarinaayo in la Maxkamadeeyo..

Wasiirka ayaa diiday inuu siinayo tirada Saraakiisha & Ciidamada loo xiray Xatooyada Raashinka laakiin qirtay in Raashinkii lagu iibiyay suuqayada Magaalada Mogadishu, iyadoo wax laga weydiiyay (Wasiirka) mas’uuliyadda waxa dhacay, wuxuu qiray in mas’uuliyadda xatooyada ay yahay heer Unugga.

Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ayaa su’aalo adag u diray Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidamadda Xoogga Dalka, iyadoo ka dalbaday inay muddo toddobaad ah jawaab uga soo bixiyaan falkaan dhacay.

Dhacdadaan ayaa ku soo beegmatay xilli USA ay qorsheyneysa iney Dowladda Federaalka ku wareejiso Taliska Ciidamada Xooga Dalka Hogaankiisa Saadka, iyadoo Dowladw Mareykanka ay xaqiijisay iney sii wadi doonto taageerada ay u fidiso Xoogaga Danab marka laga reebo Sahayda.

Wasiirka ayaa lagu eedeeyay inuu waqti badan geliyo Baraha bulshadq oo ui ku faafiyo Muqaalo gaar ahaan Tiktok-ga, isagoo ku adkeystay inuusan iska dhiibi doonin Akoonkiisa Tiktok, isagoo iska difaacay eedaha la xiriira Musuqa iyo wakgtiga badan ee uu ku lumiyo Baraha Bulshada.

323950cookie-checkWasiirka Gaashandhigga oo Ka Hadlay Fadeexada ku Gedaaman Xatooyada Raashinka Ciidamada Danab..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *