Duqeymo Drones ah Oo laga Fuliyay Degaan ku dhow Degmada Kismaayo.

Africa News Domestic News Security Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Howlgal Duqeyn Drones-ka Ciidamada Mareykanka la fuliyeen degaan qiyaastii 40-Mayl Waqooyi-galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo, si loo beegsado fariisimo ay Maleeshiyaadka Kooxda Argagixisada Shabaabka ku lahaayeen kaasoo ka dhashay khasaare..

Wararka ayaa sheegaya in Duqeyntan ayaa qeyb ka ah dadaallada wadajirka ah ee lagu ciribtirayo awoodda maleeshiyaadka kooxda Argagixisada Shabaabka ee qorsheynta iyo fulinta weeraro argagixiso oo khatar ku ah shacabka Soomaaliyeed, Ciidamada qalabka sida iyo saaxiibada caalamiga ah.

Qoraal ay soo saarta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayeey waxey ugu mahad celinaysaa howlgalka AFRICOM, waxayna mar kale adkaynaysaa sida ay uga go’an tahay la dagaallanka kooxaha argagixisada ah, iyadoo kaashaneysa shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamiga ah, si loo xaqiijiyo nabadgelyada iyo xasilloonida dalka

374350cookie-checkDuqeymo Drones ah Oo laga Fuliyay Degaan ku dhow Degmada Kismaayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *