Fadeexo & Muran Hareeyay Soo Dhaweyntii Xulka Qaranka ee 17-jirada

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Fadeexo, jahwareer iyo Muran hareeyay soo dhaweyntii shalay Mogadishu loogu sameeyay Ciyaartooydii Xulka 17-da ee Qaranka oo ku guuleystay Koobkii, kadib markii ay ka soo dageen garoonka diyaaradaha Aadan Cadde…

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegay in muran iyo dood xoogan ay ka dhex qaraxday howlwadeenada Madaxtooyada iyo Wasaarada Ciyaaradaha, khilaafkaan ayaa xoogeystay markii ay soo dhamaatay soo dhaweyntii iyo gacan qaadkii gudaha garoonka.

Xogtaan ayaa xaqiijisay in intii uu muranka taagnaa uu shil galay Gaariga Wasiirka Ciyaaraha waxaa ku dhacay Gaariga laga leeyahay Madaxtooyada oo tikniko ah, lama yaqaano inuu ku talo gal ahaa, iyadoo Shalay Wadada Maka al-mukarama lagu soo daadiyay Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada kuwaasoo gadiidkii u diiday iney wadadaasi isticmaalaan (igu Sawir).

Sidoo kale Qeybta Habmaamuuska Madaxtooyada ayaa ka gaabisay Wasaarada Dhalinyarada iney ku war geliyaan iney Billado la siinaayo Ciyaartooyda, qaabkaan ayaa u muuqday mid afduub ah, Saraakiisha Wasaarada Ciyaaradaha ayaa u diyaarisay Ciyaartoyda Xaflad lagu qaban lahaa Hoteelka Dorbin, iyadoo si hordhac ah loogu wargeliyay Wariyayaasha.

Kadib dhacdadaan waxaa baraha bulshada ka qarxay dagaal u dhaxeeya taageerayaasha Wasiirka iyo Qeybta Habmaamuska Madaxtooyada, iyadoo kooxaha fariimaha gudbinaaya ay ku jiraan kuwo caan ku ah buunbuuninta Villa Somalia iyo kuwo qaab beeleed wax ku difaacaya, waana ayaan darro in Howlwadeenada Madaxtooyada ay qeyv ka noqdaan Afduubka Ciyaartooyda si olole siyaasadeed loogu adeegsado.

219440cookie-checkFadeexo & Muran Hareeyay Soo Dhaweyntii Xulka Qaranka ee 17-jirada
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com