Duqeyn Lagu Dilay Maamulihii Hormuud..

Politics

Diyaaradaha Maraykanka ee aan duuliyaha lahayn (drones) ayaa duqeyn ay ka geysteen degmada Jilib waxa ay ku dileen Maamulihii Shirkadda Hormuud Marxuum Maxamuud Xaaji Salaad.

Sida ay sheegeen dad ku sugan degmada Jilib Maxamuud Xaaji Salaad oo dhowr lixda jir ah ayaa lagu diley beer uu ku lahaa meel ku dhow degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Warka dilka Sarkaalkan ka tirsanaa shirkadda Hormuud ayaa waxaa saxaafada u xaqiiiyay mas’uuliyiin ka tirsan shirkadda Hormuud.

Wararka ayaa sheegaya in labo gantaal lagu dhuftay beerta Maamulihii Hormuud ee Jilib,balse ma jiro cid kale oo wax ku noqotay duqeynta.

Hase yeeshee War Saxaafadeed ay soo saartay dowlada federalka ayaa lagu sheegay in duqeynta ka dhacday magaalada Jilib lagu diley sarkaal ka tirsanaa ururka Al-Shabaab.

18780cookie-checkDuqeyn Lagu Dilay Maamulihii Hormuud..