Xalay oo dhan waxaa laga dareemay Guud ahaan Dalalka Bariga Dhexe abaabulka Dagaal weyne oo ka dhex qarxa Dalalka Iran Vs Israel & USA, Warbaahinta Maraykanka ayaa soo dusiyey inay Diblumaasiyiintii, Ehelkooda, iyo Shaqaalaha Maraykanka ee Dalalka Iraq,UAE, Kuweyt & Bahrein si deg deg ah lagu amray iney ka baxaan..
Wararka ayaa sheegaya in Nidaamka Isgaarsiinta Caalamiga ah ee Soo noqnoqoshada Sare ee USAF (HFGCS) ayaa Mareykanka howlgeliyay ku darsoo Fariin La-talin aan caadi ahayn ayaa waxaa sii daayay Xafiiska U.K ee Hawlaha Ganacsiga Badaha (UKMTO) ee Gacanka Carabta, Gacanka Cumaan, iyo Gacanka Hormuz, iyagoo sheegay in “la ogeysiiyay dhamaan Maraakiibta Xamuulka iyo kuwa Ganacsiga xiisadaha sii kordhaya ee Gobolka taasoo horseedi karta kor u kaco dhaqdhaqaaqa Military ee saameyn toos ah ku leh maraakiibta.”
Suurto gal ma tahay inuu Dagaal Qarxo!?
Khubarada ayaa yaqiinsan inuu socdo Kaar cadaadisyo lagu saaraayo Hogaamiyayaasha Dalka Iran laguna khasbayo inay qaadato heshiiska uu Maraykanku rabo kaas oo ah inay burburiso hubkeeda Nukliyeerka ee la aaminsan yahay inuu dhamaystir gaaray, Cabsida dagaal ayaa soo dhaac baxday kadib markii uu hakad ku yimid kulanka wadahadalka ee Iran iyo USA oo qorshaysanaa inuu ka dhaco, Dal ka mud ah Dalalka Norway ama Oman.
Maxay Iran Laga filan Karaa
Iran iyo Xulafadeeda lagama filayo markan iney gacmaha ka laabtaan Hanjabaadaha ka soo yeeraya USA & Israel, waxaana la odorosayaa iney weerari doonto dhamaan bartilmaameedyo gaar ah oo ku yaal Dalalka Khaliijka iyo Israel, Waxaa ay marar badan ku celisay in dagaal weyne gobolku aadayo, waxaana xili horaba bilaabatay in kooxaha Shiicada ah ay ku dhawaaqaan Fatwo dagaal jihaad ah oo ka dhan ah Israel iyo Maraykanka, Somalia oo aad ugu dhow Dalka Yemen ayaa laga yabaa iney saameyn ku yeelato Dagaalka gaar shaan Dekadaha Bosaso iyo Berbera