Mareykanka Oo Si Adag uga Hadlay Dhibaatada ay Ethiopia ku Heyso Somalia..

Somalia news World

Dowladda Mareykanka ayaa u sheegtay Madaxda Urur gobaleedka IGAD iyo Midowga Afrika in Is afgaradkii Addis Ababa ay ku gaareen Abiy & Biixi uu halis ku yahay danahooda Gobolka, uuna dhaawacayo taageeradii ay Mareykanku mudada dheer Ethiopia ku siinayeen la dagaalanka Argagixisada, hiilna u noqon karro kooxaha Argagixiso, taasoo Gobolka oo dhan khatar galinaysa…

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibada ee US u qaabilsan Arrimaha Africa Molly Phee, sheegtay inuu caqabad noqon karo heshiiskii is afgarad ee Itoobiya dhawaan la gashay Somaliland, Waxaan qabnaa walaaca ah in is afgaradka la soo bandhigay uu caqabad ku noqon karo halgankeena wadajirka ah kaasoo ay ku jirto kaalinta Ethiopia ee sanadihii la soo dhaafay ee aadanaa la dagaalanka argagixisada” ayay tiri Molly Phee Kaaliya Xoghayaha arrimaha dibibada u qaabilsan arrimaha Afrika.

Dhawaaqaan ayaa soo shaac baxaaya, iyadoo xiisado colaadeed ay u dhaxeysa UK, USA oo dhinac ah iyo Kooxda Xuutiyiinta ee Marinka Bab al mandab kaasoo khasaare nafeed iyo mid Ganacsi geystay, ku darsoo Dalka UAE lagu qabtay Kulan ay ka soo qeyb galeen daneeyayaasha Somalia, waxaana lagu falaneeyay Amniga Dalka xiliga kala guurka, La-dagaalanka Argagixisada iyo Xiisada dhul/xeeb boobka Ethiopia ay ku dooneyso iney Saldhig Ciidamo badeed ka dhigayo Xeebaha Lughaya.

305280cookie-checkMareykanka Oo Si Adag uga Hadlay Dhibaatada ay Ethiopia ku Heyso Somalia..