Share the post "Eedeysane Somalia ka soo jeeda Oo Maxkamad Lagu soo Taagay Dilal Haween.."
Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa sheegaya in Haashim Dhaqane Muxumed oo loo haysto inuu 4 haween ku dilay dalka Kenya ayaa beeniyay inuu falkaasi geystay markii Maxkamad lasoo taagay, Eedeysanaha Haashim ayaa la xiray horraantii Novembar, 2024..
Eedeysane Haashim ayas waxa loo haystaa dilalka Marxuimiinta Dahabo Daa’uud Siciid (Waris), Aamina Cabdirashiid Daahir, Musayba Cabdi Maxamed oo isku qoys ah iyo Deeqa Cabdi Nuur Gorane, iyadoo Eedetsanaha uu xabsiga ku jiray laga soo bilaabo Diseembar 24, 2024. Booliiska Kenya ayaa markii hore sheegay in Haashim uu qirtay dambiyada lagu soo eedeeyay, isagoo ciidamada geeyay goobihi uu ku qariyay maydadka dadka uu dilay.
Maxkamadda Sare ayaa la wareegtay kiiskiisa, waxaana booliiska lagu amray in lagu sii haayo xabsiga Nayroobi inta si rasmi ah dacwad loogu soo oogayo. Maxkamadaynta kiiskiisa ayaa loo ballamay Febraayo 11.