Miyeey Halkudhegyada Olalaha Doorashada Madaxweynaha qeyb ka yihiin Dib u Habeynta Hey’adda Nabadsugida

Somalia news

Maalmihii u dambeeyay waxaa soo if baxaayay talaabooyin u muuqda ku lid ku ah Halkudhegyada Maamulka Cusub ee Villa Somalia taasoo muddo la xayeeysiinaayay ”Somalia Heshiis ah Dunidana la heshiis ah”, iyadoo maanka lagu hayo dhibkii 5-sano laga dhaxlay Maamulkii Farmaajo & Hey’adda NISA…

Maamulka cusub ugu yaraan waxaa laga sugaayay inuu Hey’adaan u magacaabo Khabiiro ku xeel dheer Amniga & Shuruucad Dalka, isla markaasna diyaarin kara Nidaam Amni oo ugu yaraan bedeli kara habka gabowga ah oo ay Hey’adaan u howlgasho, macno kuma fadhido in magaca la bedelo, ee waa in isbedel guud lagu sameeyaa hanaanka uruurinta Xogaha, daraasaadka ku dhaqanka Shuruucda Dalka & Baaris xaqiiq ku dhisan.

Kooxda Argagixisada Shababka, waxey ku guuleysteen iney Dhaqaale ka uruursadaab Caasimada, u fidiyaan Shacbiga adeeg garsoor iyo Amni oo ka hufan kan Xoogaga Amaanka iyo Maxkamadaha Dowladda Federaalka, iyadoo Sidoo kale waxey ka heli og xogaha Hey’adda Sirdoonka, Hogaanka cusub howsha looga fadhiyo ayaa ah inuu dhiso Guddiyo karti leh oo dib u eegis ku sameeya Habka Howlgalka Hey’adda, baara gabood faladii dhacay 5-tii sano ee u dambeysay Dhibanayaashana ay Cadaalad helaan.

Dhanka kale, waxaa soo shaac baxaaya warar tilmaamaya in olole balaaran oo ugaarsi hoose, xarig sharci darro ah iyo jirdilo loo geysanaayo Saraakiil, Dabley Xubno kale oo taageerayaal u ahaa Maamulkii Farmaajo, talaabadaan ayaa u muuqata mid ka baxsan Dastuurka, Shuruucda Dalka u degsan iyo xuquuqda Muwaadinka.

191920cookie-checkMiyeey Halkudhegyada Olalaha Doorashada Madaxweynaha qeyb ka yihiin Dib u Habeynta Hey’adda Nabadsugida
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com