Ethiopia Oo Ka Caga-jiideysa Baarayaal Madax Banaan

Politics

Kadib markii markii ay Ciidamada Ethiopia ee ku sugan Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Bardaale ee Gobolka Bay ay burburiyeen Diyaaradii African Express ee Sumadeedu aheyd 5Y AXO Shalay Galab abaarihii 15,40 xiliga Bariga Africa…

Ilo wareedyo ayaa u sheegay in Dowlada Ethiopia iyo Saraakiisha Amisom Qeybta Ethiopia ee ku sugan Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo ay ka goos-adeygeen In Baarayaasha Kenya ay u oggolaadaan iney kormeer baaris ah ku tagaan goobta ay diyaaradu ku burburtay.

Xubno ka kala socda Qeybta shilalka Diyaaradaha ee Dowlada Kenya, Wakiilo ka socda Shirkadda iska laheyd Diyaarada iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Kenya (Qeybta Amisom), ayaa doonaaya iney gacanta ku soo dhigaan Sanduuqa Madow (Black Box) ee lagu kediyo xogta dhamaan dhaqdhaqaaqa duulimaad ee Diyaarada intii ay isku diyaarineysay iney ku degto Garoonka macmalka ah ee Magaalada Berdaale.

Maamulka Shirkadda, Dadkii ku geeriyooday eheladoodii iyo Dowlada Kenya ayaa ku adkeysanaaya in baaritaanka loo madax baneeyo guddi gaar ah laga qeyb geliyo Khubarada ku xeel dheer shilalka Diyaaradaha ee heer Caalami ah, iyadoo baaristu ay bud-dhig u tahay Sanduuqa Madow.

32130cookie-checkEthiopia Oo Ka Caga-jiideysa Baarayaal Madax Banaan