Siyaasiyiinta Danleyda & Muufeysiga oo Hankooda ka hooseeyo Dhismaha Qaranka Somalia…

Somalia news

Wixii ka dambeeyay Burburkii Rajimkii Siyaad Barre, Dalkaan waxaa ka hanaqaaday Kooxo magac siyaasiyin huwan oo Koox diimeed hubeysan iyo Danley ah oo hankoodu muufeysiga maalintaasi ku xiran, Shacbiga Soomaaliyeed ayaa ku hungoobay Maamulka Xasan Gurgurte iyo kii ka horeeyay ee Farmaajo, waxeyna kooxahaani khatar ku yihiin jiritaanka iyo Midnimada Dalka…

Kulanka ka dhacay shalay magaalada Djibouti ayaa ku suntanaa (Madax wada siman, No Calan iyo Maamuus Qaran) hadii si kale loo dhigo Odayaal Irir-Samaale ah oo ka shiraaya Masiirka Dalka, iyadoo qodobada miiska saaran ay ka mid yihiin, in aan la siyaasadayn dhaqaalaha iyo gargaarka bini’aamnimo ee Caalamka, in la wada maamulo arrinta duulimaadyada hawada oo khilaaf ka taagnaa, isku socodka bulsho ee labada dhinac, ku heshiinta saxiixul qalinka ee Qandaraaska Dekada & Garoonka Berbera ee USA & UAE (Base), sidii uu Maamulka u qaadan karo Nidaamka Federaalka, ku darsoo Maamulkii Farmaajo ayaa khalad midkaasi la mid ah uu Maamulkiisu galay, isku soo hoori Dalkaan weli ma helin Siyaasi Han iyo Astaan qaran leh.

Khabiirada Arrimaha Dib u heshiisinta ayaa aamisan in markii uu Madaxweyne Xasan Gurgurte uu u magacaabay Ergeyga Damiinka Siyaasada Sanadahaan Cabdikariin Guuleed ay muuqaneysay in wado qaloocan loo maray wada hadalada Maamulka gooni goosadka Hargeysa iyo Maamulka Demu jadiid ee Mogdishu.

Qaranka la sheegaa Waa Shacbiga.

Waxaa mudan in Qof kasta (Muwaadin), Dowlad & Shacbi in xooga iyo mudnaanta la siiyo Dhismaha Qaranka taana micnaheedu ma aha in la hormariyo Xarakooyin Diimeed oo hubeysan, Buundooyin, Dekedo iyo Airportyo la dhiso balse in xooga Xeelada iyo tacabka la isugu geeyo Dhisida Muwaadinka Soomaaliga ah, Xaqiisa, Caqligiisa, Aqoontiisa & Fekerkiisaba, Qaranka la sheego oo dhan waa Shacbiga Xoolaha, kheyraadka iyo wax walba oo saaran micno malaha haduu Shacbigu yahay kuwa ugu liita dunida.

Sharciyada, Dastuurada, Habka Dowlada u dhismeyso, Siyaasadaha guud waa iney yihiin kuwo Shacbiga Dantooda ku qotonta oo soo saarta bulsho isjecel, Walaalo ah, Muwaadiniin ah oo hiigsi iyo Horumar leh, Dalalkii Africa ee dagaalada Sokeeye ay ka dhaceen waxaa tusaale nooga filan sida ay u soo kabteen Dalalka Angola, Algeria iyo Rwanda.

Mid ka mid ah Afkaarta Siyaasadeed ee jira waxey u qeexdaa Qaran Dhisku sida tan “Qaran Dhisku Waa Howl ay si wada jir ah u Qabtaan Jileyaal/Xoogag Dibada ah {External Actors} iyo Dadka Hormuudka u ah Dalkaa Fashilmay Waxaana Dib loogu dhisaa, Lagana Caawiyaa Dhamaan Hey’adaha Dowliga ah Sida Sharci dejinta, Fulinta, Garsoorka, Xalinta Khilaafyada & Dib u Dhiska”  Qaran Dhisku wuxuu Qaataa Waqti, Dhaqaale, Juhdi, Aqoon iyo Xirfad, Waxaa inta howshu Qaran Dhisku socoto haboon in lagu garab wado Nabad Dhiska (Peacebuilding) oo ay isla socdaan lana dhameeyo dhamaan khilaafaadka dadka ka dhexeeyo, Khilaafaadkuna Sida Diinta & Cilmiga aduun isku waafaqsan yihiin xal looga gaari karo 3 Siyaabood:

In la is Cafiyo

Bulshada Qaan gaarka ah ee leh garasho & Damiir guud Waxey leedahay Awood la isku cafiyo, Awood la isugu dulqaato, Awood la isugula samro, waana xal ma guuraan ah is-cafiska & Qirashada in qalad dhacay oo loo baahan yahay in laga wada gudbo oo la is wada cafiyo.

Garnaqsi Cadaalad ku dhisan

Gari Allah ayeey Taqaan’e in inta wax isku heysata fariisato kala gar baxdo, horayna uma dhicin dadki saxda ahaa ee ay wax ka dhexeeyeen, Goobti & Waqtigi saxda ahaa, Arrimiha la isku heysto ee saxda ah,  hadii la helo in aan meeshaa xal la’aan looga soo tageeyn balse Si kale ayey wax u socdaan oo Isbaarooyin ayaa taagan.

Tanaasulka & In Meel dhexe la isugu yimaado

Koox kasta iney wax ka tanaasusho oo meel dhexe la isugu yimaado, Dhaqanka Tanaasulka oo ah mid dahabi ahna waa mid xaalada adag ee taagan looga gudbi karo aadna u dheef badan.

296590cookie-checkSiyaasiyiinta Danleyda & Muufeysiga oo Hankooda ka hooseeyo Dhismaha Qaranka Somalia…