Ethiopia Oo Lagu Eedeeyay Ineysan Xil iska Saarin muwaadiniinteeda ku Biiraya Kooxaha Argagixisada..

Africa News Security

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Maamulka Abiy ee Ethiopia oo sheegay ineysan khatar iyo welwel xoogan midna ku heynin tirada sii kordheysa ee Muwaadiniinteeda ku biireysa Kooxaha Argagixisada ee ka dagaalama Dalka Somalia, talaabadani oo lagu fasiray Xilsanimo darro…

Hadal-hayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ethiopia ayaa sheegay in khatarta iyo ku biirista Muwaadiniinta Ethiopia ee kooxaha xagjirka ah ee fadhigoodu yahay Somalia ay dalkaasi khusayso, balse wauxuu ku adkeystay in tallaabooyinka ka hortagga argagixisada ee Ciidamadeeda Amaanku ay yihiin kuwo waxtar leh.

Mr.Nebiyu Tedla ayaa u sheegay Warbaahinta in Dowladadiisu ay ku amaanan tahay “ilaalinta firfircoon, xog ururinta, iyo dadaalka iskaashiga ee saaxiibada Gobolka,” iyo sidoo kale Ciidamadoodu ee ka howlgala Somalia ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ay door ka ciyaaraan si ay u yareeyaan khataraha amni ee degdega ah ee ay geysanayaan argagixisada iyo isku dayga ay ku balaarinayaan saamayntooda iyo dadaallada qorashadda xubnaha cusub.”

Kooxaha Shababka iyo Daacish-Somalia waxeyna labaduba khatar ku yihiin Amaanka & xasiloonida Dalalka Geeska Africa gaar ahaan (Ethiopia, Djibouti, Kenya Somalia iyo Uganda), waxayna si joogto ah u qortaan Dhalinyarada Dalalkaan sannadihii la soo dhaafay iyadoo ay xasillooni darri amaan ka jirtay dalalkaani ay kooxahaani sabab u yihiin, ISIL ayaa si gaar ah u soo saartay muuqaalo borobogaando ah oo ay ku sheegeen in ay muujinayaan Qaxootiga ka soo jeeda Ethiopia ay tababaro u fidiyaan una dagaalamaan.

337870cookie-checkEthiopia Oo Lagu Eedeeyay Ineysan Xil iska Saarin muwaadiniinteeda ku Biiraya Kooxaha Argagixisada..