Maxaa Ka Run ah in Duqeyn Lagu Weeraray Horjoogayaal ku Kulansanaa Duleedka Degmada Sablaale..

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Duqeyn Diyaarad Drone ah ay ka geysatay habeen hore degaan ku dhow Degmada Sablaale, iyadoo Howlgalkaan dhanka Cirka ah la la beegsaday Tiro Horjoogayaal ah oo ka tirsan Maleeshiyaadka kooxda Shababka kuwaasoo ku kulansanaa halkaasi…

Tafaasiisha hordhaca ah oo laga helay Xogo Sirdoon iyo Dadka Degaanka ayaa caddeynaaya inuu jiro khasaare isugu jirta Dhimasho iyo dhaawacyo kala heer ah oo soo gaaray Tiro Horjoogayaal ah oo ay ka mid yihiin Horjooge Mahad Karatee (Kuxigeen), Abuu Akram iyo Horjooge Xuseen Cali Fiidiw Horjoogaha Siyaasada iyo Gobolada.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in Horjoogaha Axmed Diiriye alias (Abuu Cubeyda), oo bartilmaameedka Duqeynta ahaa ayaa ka baxay goobta daqiiqado ka hor, iyadoo Sanadahaan Duqeymaha Drones-ka ay fuliyaan Diyaaradaha Turkiga iyo USA, inkastoo duqeyntii u dambeysay ee Duleedka Mogadishu Dad Rayid ah lagu xasuuqay.

Magaalada Sablaale ayaa xudun u ah isku xirka wadooyinka Jilib ee Gobolada Jubada dhexe iyo Shabeelada hoose, waxaana inta badan ku kulma Horjoogayaasha Kooxda Argagixisada, horey ayaa loogu dilay duqeyn Horjoogihii hore Axmed Godane, hadii ay dhab noqoto duqeyntaan waxaa muddo ku qaadan doontaa ka soo kabashada Horgalada Kooxda Argagixisada Shababka.

318830cookie-checkMaxaa Ka Run ah in Duqeyn Lagu Weeraray Horjoogayaal ku Kulansanaa Duleedka Degmada Sablaale..