Farmaajo Oo Dalbaday In Dib Loo Dhigo Kulanka 20-ka Bishaan

Somalia news

Warar laga helay ilo ku dhow Saraakiisha Madaxtooyada Villa Somalia Ayaa sheegaya in Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday (Farmaajo) uu ku cadaadinaayo Wasiirka 1-aad Ee xil gaarsiinta (Rooble) inuu dib u dhigo Kulanka looga hadlaayo Xalinta Khilaafka Doorashada…

Ilo wareedkaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegay in Dib u dhigaan wada hadalada ay salka ku heyso sidii Villa Somalia wakhti ugu heli laheyd iney taageero uga hesho in AU-da ay Ergay ahaan loogu soo magacaabo Ra’iisul wasaarihii Hore Ee Ethiopia Hailemariam Desalegn, inkastoo ay Midowga Musharixiinta ay talabadaasi aad uga soo horjeedaan.

Wararka Ayaa intaasi raacinaaya in Dowladaha Qatar, Ethiopia iyo Eritrea ayaa sidoo kale olole ugu jira sidii Xubnaha Golaha Amaanka iyo Nabada ee(AU) loogu taageeri lahaa in Ergeyga loo magacaabo shaqsi ka soo jeeda Dalka Ethiopia, Farmaajo ayaa ka dalbaday Mr.Rooble inuu dib u dhigo Kulanka 20-ka bishaan lagu qaban doono Magaalada Mogadishu

118740cookie-checkFarmaajo Oo Dalbaday In Dib Loo Dhigo Kulanka 20-ka Bishaan