Farmaajo Oo Joojiyay Kulan Uu La Lahaa Wakiilada beesha Caalamka..

Politics

Mr.Farmaajo ayaa baajiyay kulan uu maanta Xarunta Madaxtooyada kula yeelan lahaa Wakiilada Beesha Caalamka, ajandayaasha lagu waday in shirka looga hadlo ayaa waxaa ka mid ahaa arrimaha doorashooyinka in waqtigooda ku dhacaan, xiisada Gobolka Gedo ee xuduuda, khilaafka DF iyo dowlad goboleedyada…

Xogtaan ayaa u sheegtay Diinah.com in shirka oo maanta gelinka hore ka qorsheysnaa inuu ka dhaco Xarunta Villa Somalia, wuxuuna Madaxweynaha ka codsaday Wakiilada Beesha Caalamka in shirka dib loogu dhigo wakhti kale.

kulankaan ayaa si gaar ah loo sugayay oo labadii maalmood ee la soo dhaafay la hadal haayay, Qodobada ugu weyn ee looga hadli lahaa ay ka mid aheyd sida loo wajahi doono xilliga kala guurka ee uu dalka geli doono lixda bilood ee soo socoto.

Isku soo wada duub Hogaanka Xisbiyada siyaasada iyo beesha caalamka ayaa walaac xoogan ka qabo in doorashada xiligeeda kudhicin ayadoo laga cabsi qabo in Maamulka Farmaajo ay ku kororsadaan sanado dheeri ah.

22450cookie-checkFarmaajo Oo Joojiyay Kulan Uu La Lahaa Wakiilada beesha Caalamka..