NISA Oo Lagu Eedeyay Isticmaalka Taleefonada

Politics

Waxaa soo shaac baxaaya warar la xiriir in Hey’adda NISA ay Isticmaaleyso oo xiriiro kula yeelaneyso Talefoon-gacameedka Wariye u xiran Dowlad Goboleedka Konfur galbeed, Iyadoo Dalladaha kala duwan iyo Ururada Warbaahinta ay sheegeen iney sharci darro tahay Muwaadin xiran…..

Xogtaan ayaa Diinah.com u sheegtay in Saraakiisha Hey’adda NISA ay isticmaalka telefoonka gaarka ah ee tifaftiraha Idaacadda Hiigsi, Maxamed Cabduwahaab Nuur (Abuuja) oo ku jira xabsi go’doomin ah tan iyo 7dii Maarso, Maalinimadii Axadii 24ka May, 2020, abbaare 3:06-p.m ayaa telefoonka wariye Abuuja lagu diiwaangaliyay aaladda wada-xiriirka bulshada ee IMO, iyadoo farriimo sheegaya in wariye Abuuja uu khadka internetka isticmaalayo loo diray dad ka mid ah qoyskiisa. Markii xubno ka mid ah qoyska ay dib u weceenna lagama jawaabin wicitaankooda.

Wariye Maxamed Abuuja waxaa markii ugu horreysay xiray saraakiil ka tirsan Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka (NISA) 29kii Febraayo 2020 kaddib markuu daabacay qormo uu ku dhaliilay ciidamada ammaanka. Waxaa la siidaayey 2da Maarso 2020 isagoo wax dembi ah aanan lagu oogin.  Markale ayey saraakiil NISA xireen 7dii Maarso, 2020, waxaana tan iyo xilligaas lagu hayey xabsi go’doomin ah oo aan la ogeyn halka uu ku yaallo. Loomana oggolaanin inuu helo qareen iyo in qoyskiisu arkaan illaa waqtigan,

Sida uu xaqiijiyay Cabduwahaab Nuur Mahdi, oo ah wariyaha aabihiis, waxaa wariyaha laga qaatay telefoonkiisa maalinkii la xiray, Sidoo kale saraakiil NISA ka tirsan ayaa booqday guriga wariye Abuuja iyagoo kasoo qaatay kombuyuutarkiisa gaarka ah.

Waxaa si gaar ah farta loo fiiqay in xuquuqa xafidnaanta Wariyaha xogtiisa gaarka ah lagu xadgudbay, iyadoo sidoo kale aad looga walwalsanahay ujeeddada ka dambeysa falkan lagu isticmaalayo telefoonka wariye Abuuja. Waxaan rumeysanahay in wariye Abuuja uusan xor ahayn sidaa darteedna ma isticmaali karo telefoonkiisa.

37580cookie-checkNISA Oo Lagu Eedeyay Isticmaalka Taleefonada