Farmaajo Oo Xilkii Maxkamadda Gobolka Ka Qaaday

Politics

Ilo wareedyo ayaa u sheegay Diinah.com in Mr.Farmaajo uu culeys ku saaray Gudoomiyaha Maxkamada sare Baashe Yuusuf Axmed, inuu si deg deg shaqo joojin ku sameeyey gudoomiyaha maxkamadda gobolka banaadir Muuse Macallin Cabdi….

ilo wareedyo ku dhow Madaxtooyada ayaa sheegaya in xil ka qaadistan ay salka ku hayso khilaaf u dhaxeeya Mr.Farmaajo oo maalmo Hore ka biyo diiday Soo jeedin ka timid Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka, kuna Aadan in Xilka laga qaado 10-Gudoomiye Maxkamadaha Degmooyinka Gobolka Benadir una ka ahaa Gudoomiyaha Maxkamadda Degmada Howlwadaag.

Wararka ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa ku-simaha gudoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir u magacaabay Cabdisalaan Macallin Cabdi oo ah gudoomiyaha maxkamadda degmada Howlwadag, kadib markii Madaxtooyada uu la tashi la sameeyay.

Sharci-yaqaano la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in guddoomiyaha Maxkamadda Sare uusan awood u lahayn inuu xilka ka qaado guddoomiyaha maxkamadda gobolka.

“Anshax marinta, badalaadda, shaqa ka joojinta, magacaabista, xilka qaadista waxaa iska leh golaha adeegga garsoorka sida ku qoran dastuurka iyo xeerka nidaamka garsoorka, haddii intaas la waayane madaxweynaha ayaa awood u leh,” ayuu yiri sharci-yaqaanka la hadlay 

29110cookie-checkFarmaajo Oo Xilkii Maxkamadda Gobolka Ka Qaaday