Qiimaha Iibka Xoolaha Nool Oo Sare u Kacay & Sababta ka Dambeysa…

Somalia news

Iyadoo lagu jiro Todobaadka Xoriyada Dalka iyo Maalmiha ugu Dambeeya ee Xajka, ayaa waxaa guud ahaan Dalka iyo gaar ahaan Caasimada Laga dareemay sare u kac ku yimid Qiimaha Xoolaha Nool sida (Ariga, Lo’da iyo Geela), iyadoo qiimihoodu uu kor u kacay ku dhowaad labo jibaar intii horey loo iibin jiray…

Sare u kaca ku yimid qiimaha xoolaha nool oo sanad walba xiligan oo kale la arko ayaa loo sababeynaa Dhoofinta Kumanaan Xoolo ah oo loo iib geeyay Dalalka Khaliijka, gaar ahaan Dalka Sacuudiga maadaama la joogo xiligii Xajka iyo Hey’ado kheyriyaad ah fara oo iyana iibinaya xoolo fara badan si loo gowraco maalmaha munaasabada Ciidul Adxaa oo maalmo kooban ay naga xigaan.

Qiimaha Neefka ariga ah ee birimada ah waxaa bil ka hor la kala siisan jiray $100 Dollar hase ahaatee waxaa uu gaaray ilaa 180-210 US$, wax ku dhow Ariga suuqa la keenana aad ayuu u yar yahay sidaa waxaa tiri Haweeney ka mid ah Gadisleyda Ariga ku iibisa Suuqa Dayax.

Mas’uuliyiinta Dowlada Federaalka ayaa dhawaan sheegeen in sanadkan ay Dalalka Khaliijka oo Sacuudigu ugu horeeyo loo dhoofiyey Xoolo ka badan milyan iyo shan boqol oo kun, kuwaasoo laga dhoofiyey Dekedaha Dalka intooda badan.

262660cookie-checkQiimaha Iibka Xoolaha Nool Oo Sare u Kacay & Sababta ka Dambeysa…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com