Fashilka Kulankii Hotel Maa’ida Ee Muqdisho..

Politics

Macluumad hordhaca ayaa ka soo baxaaya kulan xalay ka dhacay Maa’iida Hotel ee uu leeyahay Wasiirka Amniga Maxwmed Abuukar Islow (Ex Naasahablood 2) Shir uga furma Wasiirada, Xildhibaanada iyo Senatarada Beelaha Hawiye ee taageersan Maamulka Farmaajo…

Goob joogayaal tagay kulanka ayaa Diinah.com u sheegay in qorshaha kulanka uu ahaa in looga looga doodo qodobo la xiriira Xisbiga dowladda, kaasoo lagu wado in la daah furo Bisha Maarso 15 ee sanadka 2020, xubnaha shirka lagu casuumay ayaa kor u dhaafay 200 oo qof oo isugu jira saraakiil ka tirsan laamaha kala duwan ee dowladda kana soo jeeda beesha Hawiye.

Sida ay goobjoogayaasha ay sheegeen waxaa kulanka ku soo xaadiray oo kaliya 12 qof oo afar ka mid ahna ay yihiin 2-Wasiiro iyo 2-Wasiirk ku xigeeno iyo lix xildhibaan, laba sarkaal oo ka tisan ciidamada amniga.

Shirkan ayaa noqday fashilkii ugu horreeyay ee kooxda Nabad & Nolol iyagoo caawa dareemay in aanay haysan taageerada aay filayeen.

Siyaasiyiinta qaar ayaa qaba in fashilka shirka uu ka dambeeyay RW Kheyre kaasoo aan raalli ka ahayn ka mid noqoshada xisbiga lagu wado in uu musharax u noqdo MW Farmaajo, waxaana la ogsoon yahay in Ganacsato iyo xubno kale oo ku beel ah iney wadaan kulamo ka soo horjeeda Musharaxnimada Mr.Farmaajo.

21300cookie-checkFashilka Kulankii Hotel Maa’ida Ee Muqdisho..