Gal-Dacwadeed Laga Diyaarinaayo Wakiilka AU-da Ee Somalia

Politics

Xildhibaan C/rashiid Xidig oo ka mid ahaa Xubnihii Is bedel doonka Jubbaland ayaa sheegay inay furi doonaan gal dacwadeed ka dhan ah Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Amb.Francisco Madiera oo sheegay in shirkii Golaha Ammaanka ugu gafay Beel Soomaaliyeed…

Amb.Madiera oo ka hadlayay maalmo ka hor Shirka Golaha ammaanka QM ayaa sheegay in Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo xubnaha mucaaradka Beesha Ogaadeen ay heshiiyeen, hadalkaasoo siyaabo kala duwan siyaasiyiin dhowr ah uga falceliyeen.

C/rashiid Xidig ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka inay dalka ka saarto Wakiilka Midowga Afrika, maadaama uu Arrimaha gudaha ee Soomaaliya uu faragalin ku hayo.

36890cookie-checkGal-Dacwadeed Laga Diyaarinaayo Wakiilka AU-da Ee Somalia