Ma Dhabaa in Senetarada Aqalka Sare ay Muddada Xileedka Hantidhowrka u Kordhiyeen..

Somalia news

Hogaanka Maamulka Villa Somalia ayaa wajahaaya dhaleeceyn isa soo tareysa oo ku aadan isku dayga uu ku doonayaan iney ku meel mariso Hindise sharciyeedka Hanti dhowrka oo muran badan uu ka dhashay oo Dadka dhaliila ay ku doodayaan in si gaar ah loogu talagalay in lagu kordhiyo muddo xileedkiisa uu sii shaqeynayo Hanti dhowrka Guud ee Qaranka oo aan xilka u qalmin…

Hindise sharciyeedka oo uu soo bandhigay Masmulka fashilmay hadda talada haga, ayaa dood adag ka dhex dhaliyay labada aqal ee Baarlamaanka iyo Shacabiga, taasoo walaac ka muujisay hufnaanta iyo isla xisaabtanka ka dhex jira hannaanka dowladda ee la socodka Maaliyada, ku dardoo Shaqsiga hogaamiya ayaa Aqoon iyo khibrad toona u laheyn marka laga reebo Kaadirnimada.

Hanti dhowrka guud ee Qaranka Axmed Ciise Guutaale oo 37-jir ah, horeyna u ahaa wariye u dhashay degaanka, kana tirsanaan jiray kooxaha Ololaha doorashada Madaxweynaha, ayaa loo magacaabay xilka AG iyadoo uu jiro khilaaf ka dhashay Aqoon iyo khibrad la’aantiisa arrimaha xisaabaadka, Maaliyada iyo dhanka Hanti dhowrka.

Guutaale tan iyo markii xilka loo magacaabay wuxuu ku sidoobay shaqsi lagu adeegto oo qeyb ka ah Aargoosiga siyaadada ee Xasan Gurgurte, iyada oo dad badan ay su’aal ka keeneen inuu si hufan u gudan jaro xil loo igmaday iyo ilaalinta hawlaha maaliyadeed ee Qaranka, Ogobey Hindise sharciyeedka Hanti dhowrka oo hadda ay ansixiyeen Aqalka Sare ayaa sii huriyay tuhunka la xiriira dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed.

Sida laga soo xigtay dhowr Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka oo la hadlay Gudoomiyaha, ayaa sheegay in haddii hindise sharciyeedka hanti dhowrka loo diyaarin lahaa in la waafajiyo Dastuurka Dalka ay keeni karto in si toos ah xilka looga qaado Mas’uulkaan hanti dhowrka guud u magacbasn, taasoo u muuqata mid walwal ku abuurtay kooxda Villa Somalia.

274310cookie-checkMa Dhabaa in Senetarada Aqalka Sare ay Muddada Xileedka Hantidhowrka u Kordhiyeen..