Ganacsatada Muqdishu Oo Hanjabaado Loo Jeediyay

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa hanjabaado loo jeediyay dhowr xubnood oo ka mid ah Ganacsatada ka soo jeeda Beelaha Hawiye, kuwaasoo ka qeyb galay shirkii mucaaradka ku yeesheen hoteel Jaziira ee Muqdisho….

Xubnahaan ayaa sheegay in ka hor shirka laga soo wacay lagana dalbaday in aysan ka qeyb gelin shirka, waxeyna dadka soo wacay oo ka tirsan Hey’adda NISA Iyo Madaxtooyada Villa Somalia, iyagoo u sheegeen in laga qaadi doono tallaabo adag haddii ay tagaan.

Ganacsatada oo amarkaas diiday ayaa ka qeyb galay shirka inkastoo ay diideen in la duubo ama la sawiro. Maalmo kadib waxaa la soo wacay xubnihii shirka ka qeyb galay qaarkood waxaana loogu hanjabay in tallaabo laga qaadi doono.

Mid ka mid ah Ganacsatada ayaa sheegay “lagu yiri waxaad maalgelisaan musharaxiinta, “Mucaaradku dhaqaale dibada kama soo gasho mana heystaan hanti balse waxaan xaqiijinay in ganacsato Hawiye oo aad ku jirtid maal geliyaan waxaase mari doontaan wado aan ka soo laabasho laheyn,” ayaa lagu yiri dhowr qof oo ka mid ah dadkii kulankaas tagay waxaana laga wacay taleefono aan la aqoon.

Ma cadda, haddii cabsi-gelintaan ay ahayd mid ku kooban hanjabaad, khalkhal gelin, iyo inay tahay arrin dhab ah oo ay xigi doonto tallaabo, hase yeeshee ganacsatada qaar ayaa sheegay inay aad u walaacsan yihiin, bacdamaa xiligaan kala guurka ah ay Dalka ka dhacaan Dilal qorsheysan iyo Dhac baahsan.

76130cookie-checkGanacsatada Muqdishu Oo Hanjabaado Loo Jeediyay