Dhaca Abaabulan ee Mobile-da & Agabyada Oo ku Soo Badanaaya Magaalada Mogadishu

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay sii horeysay Degmada Dharkiinleey ku dileen mid ka mida macalimiinta wax ka dhigta Jamaacadaha Muqdisho, iyadoo kooxdii dilka fulisayna ay goobta isaga baxsadeen…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegay in Macalinka la dilay oo lagu magacaabi jiray Cusmaan Axmed Macow wuxuuna ka mid ahaa Macalimiinta wax ka dhigta Jaamacadda Horseed, waxaana dilkiisa ka dambeeyay Dabley hubeysan oo la sheegay iney doonayeen iney dhac u geystaan marxuumka.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in dilka ka hor uu jiray muran dhex maray Marxuumka iyo Dableyda dhaca u sooctay, taasoo markii dambe horseeday iney toogtaan, waxeyna ka qaateen talefoonka uu watay iyo agab kale, iyagoo goobta isaga cararay kahor inta aysan tagin laamaha amaanka iyo Ehelada Marxuumka.

3-dii Maalmood ee ugu dambeeyay, waxaa faraha ka baxay Amniga Magaalada, iyadoo habeen horey Guri ku yaal Degmada Howlwadaag Kooxo hubeysan Oo dharka Ciidamada Dowlada xiran ay rarteen dhamaan agabkii gurigaasi yaalay, waxaana xigay Shalay aroortii Gadiidkii & Mootooyinkii Maraayay Wadada Tarabuunka ay baarteen Ciidamo Hubeysan kuwaasoo ka qaatay Rakaabka Mobile-da iyo agabyo kale, waxaana lagu eedeynayaa iney ka dambeeyaan Ciidamada taageersanaa Maamulka Fashilmay ee Farmaajo.

198730cookie-checkDhaca Abaabulan ee Mobile-da & Agabyada Oo ku Soo Badanaaya Magaalada Mogadishu
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com