Share the post "Gogosha Nabadeed ee Hogaanka Villa Somalia Fidiyay Maxey ka Dhigan tahay…"
Madaxweynaha Dowlada Federaalka ayaa jeediyey khudbadiisii hambalyada Ciidal Fidriga, isaga oo dadka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalintan weyn, wuxuuna uga faa’iiidaystay inuu ka hadlo xaalada Dalka, isagoo si aan hore looga baran uu jeediyey wax lagu tilmaamay khudbad..
Wuxuuna ku dhawaaqay in uu qabanayo shir weyne qaran, kaasoo lagu martiqaadayo dhamaan Saamileyda Siyaasada iyo Hogaamiyayaasha Bulshda, isagoo sheegay in xalka Dalku uu ka jiro midnimo, isu-tanaasul iyo wax wada lahaanshaho, inkastoo lagu tilmaamay mid uu la soo daahay, wuxuu furay Saaxada siyaasada, hadana waxaa jira waydiimo u baahan in Madaxweynuhu iftiimiyo, kuwaasoo uusan hadalkiisa ku sheegin.
Ka qeyb galayaasha Gogosha, Hogaanka Villa Somalia ma magacaabin dhinacyada ka qeyb galaaya, xiliga la qabanayo Kulanka iyo waxa laga wada hadlayo marka laga reebo inuu si guud u dulmaray in dagaalka kooxaha Argagixisada iyo dhismaha dowlad casri ah laga tashanayo, Inkastoo qodobadani yihiin kuwa farsamo oo dib laga dhamaystiro karo, haddana Khubarada ku xeel dheer xaalka Dalka ayaa qaba in ugu yaraan ay ahayd in hadalka Madaxweynaha ay ka muuqato tilmaam gaar ah oo sheegaysa in mucaaridkiisa uu casuumayo.
Xuuraano loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya in aan lagu dhiirran karin martiqaad rasmi ah, hase ahaate hadalka Madaxweynaha uu ahaa xujo fur uu iskaga riixayey cadaadisyada saaran ee gudaha iyo dibadda Dalka kaga imaanayey iyo fashilka Dagaalka kooxaha Argagixisada ee uu ku kufay.
Sidee u qabsoomi kartaa gogosha?
Dhinacyo kala duwan oo katirsan labada heer ee Dowladda Federaalka ayaan hor dhignay sida la isu qabad-siin karo soo jeedinta Madaxweynaha ee shirka qaran iyo kala-fogaanta wada shaqaynayd ee kala dhaxaysa Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubaland, waxayna isku raaceen hal jawaab oo ah inay lama huraan tahay in la shiro. Hase ahaate ay ka horrayn karaan kulamo farsamo oo ay ku tilmaameen in lagu furfuro doodaha, kaas oo kadhici kara bannaanka dalka, halkaasna lagu soo dhiraandhiriyo ajandaha shirwaynaha qaran.
Doorasho iyo Dagaal
Hadalka Madaxweynaha fasirka ugu dhaw ee laga qaadan karo waa inuusan keligiis dagaalkii argagixisada wadi karin, waxaana ka dhalanaya in miiska wadahadalka lagula dhago qorshihiisa dagaalka iyo doorashada qofka iyo codka ah, waxaana muuqata haddii kulankani qabsoomo in Madaxweynuhu waayayo dagaal uu kaligiis sii wato iyo doorasho qof iyo cod ah labadaba. Waxaa macquul ah in uu Madaxweynuhu ku khasbanaado inuu Mucaaradkiisa wax u hambeeyo si loo helo madal iyo shir qaran.