Howlgalo lagu Khaarijiyay Maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Shababka

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgal lagu khaarijiyay Inta la ogyahay 15-Maleeshiyaad oo ka tirsan Kooxda Argagixisada Shababka ayaa lagu dilay weerarkaan oo isugu jiray Duulaan iyo Duqeyn, waxaana wadajir u fuliyay Ciidanka gaarka ah ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo saaxiibada caalamiga ah..

Wararka ayaa sheegay in Howlgalkaan ay ka fuliyeen deegaanka Buulo Madiino oo tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, Maleeshiyaadka ee la dilay oo si gaar ah uu ugu daba jiray Sirdoonka NISA ayaa ahaa firxadkii ka badbaaday howlgal 23-kii bishaan laga fuliyay degaankaan.

Iyadoo sidoo kale la burburiyay Gaadiid ay ku baxsanayeen Maleeshiyaadkaan iyo hubkii ay wateen, Howlgaladaan ayaa lagu ugaarsanaayo Kooxdaan ayaa kordhay todobaadyadii ugu dambeeyay, waxeyna u muuqdaan xiligaan kuwo niyad jabsan oo awoodi waayay iney iska caabiyaan Howlgalada looga sifeynaayo degaanada hoos taga Maamulka Hirshabelle.

227280cookie-checkHowlgalo lagu Khaarijiyay Maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Shababka