Share the post "Golaha Amaanka ee QM oo dib u Cusbooneysiinaya xayiraada Kooxda Shababka.."
Wararka naga soo gaaraya magaalada New york ayaa sheegaya in Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa la filayaa iney dib u cusboonaysiiyaan cunaqabateynta saaran Argagixisada Shabaabka ka hor inta aan la gaarin February 28, 2025, maadaama Maleeshiyaadkani ay weli khatar weyn ku tahay xasiloonida iyo Amaanka Somalia iyo Gobolka..
Tallaabooyinka, oo markii hore lagu soo rogay in lagu carqaladeeyo maalgelinta iyo awoodaha hawlgal ee kooxda Shababka, ayaa sii wadi doona beegsiga shabakadaha ganacsiga ee sharci darrada ah, ilaha dhaqaalaha dibadda, iyo waddooyinka soo iibsiga hubka ee Kooxdaasi iyo dhaliynyarada Muhaajiriinta ah ee lagu khaldaayo Jihaadka beenta ah.
Khubarada ku takhasustay arrimaha Amaanka ayaa sheegaya in dib u cusboonaysiinta ay ka tarjumeyso walaaca isa soo taraya ee laga qabo khatarta sii kordhaysa ee kooxda argagixisada Shabaabka, iyadoo kooxda ay ballaarisay howlaheeda maaliyadeed ee ka baxsan xuduudaha Somalia, waxey kaloo xoojisay ku lug lahaanshaha shabakadaha wax tahriibiya ee Gobolada, oo ay ka mid yihiin ka ganacsiga dahabka ee sharci darada ah iyo cashuuraha laga qaado deegaanada ay maamulaan.