Dayaca Ka Muuqda Hogaanka Wasaarada Arrimaha Dibeda & Dagaalka Siyaasadeed ee Somalia vs Ethiopia..

Somalia news

Iyadoo maanka lagu hayo marxalad diblomaasiyadeed oo xasaasi ah uu Dalka Somalia xiligaan wajahaayo dagaalka Kooxaha Argagixisada iyo Boobka Xeebta ee Ethiopia, ayaa Mas’uuliyiunta xiligaan sida KMG u haya Wasaarada Arrimaha Dibeda lagu eedeeyay iney ka gaabiyeen dardar gelinta Siyaasada Arrimaha Dibeda iyo Xod-xodashada Dalalka weli aan ka hadlin Dhul/Xeeb boobka Dowlada Ethiopia…

Xogtaan ayaa xaqiijisay in Xildhibaan Cali Cumar oo si KMG ay u haga Siyaasada Arrimaha Dibeda ee Somalia ayaa isku arkaaya inuu la tacaalaayo Shaqada Diblomaasiyada Wasaarada, Iyadoo la isku waafaqsan yahay iney meesha ka maqan tahay Hogaan tayo leh oo Dalalka dibeda ka gada Siyaasada Somalia, MP Cumar ayaa ka tirsan Xisbi Diimeedka Demu Jadiid.

Hogaanka Jilicsan ee MP Cali Cumar ayaa waxey u horseeday Wasaarada Arrimaha Dibeda waxqabad la’aan iyo Maamul xumo baahsan, ilo wareedyo ayaa sheegay in Wasaarada Arrimaha Dibeda oo markii horeba lagu farta lagu godaayay in Gabadha Madaxweynaha leexsatay Qeybaha (Malafka) Carabta iyo Khaliijka Madaxtooyadana ka Maamulato, Dabacsanaantaan ayaa ku soo beegmatay xilli Somalia ay dagaal Diblomaasiyedeed kula jirto Maamulka Abiy ee Ethiopia oo Dhul /Xeeb boob u soo tafa xeytay.

Ku darsoo, Magacaabis la’aanta Wasiiradaha Arrimaha Dibed, Amniga Gudaha iyo Wasaarada Haweenka ayaa fududeysay in Madaxweynaha Somalia uu dayaco howlaha loo egmaday, Maqnaanshaha hogaanka Wasaaradaha kaliya ma wiiqeyso awoodda Somalia ee ah iney si wax ku ool ah uga qaybgasho wadahadal diblomatiga waxa ay sidoo kale wiiqday mowqifkeeda masraxa caalamiga ah.

300780cookie-checkDayaca Ka Muuqda Hogaanka Wasaarada Arrimaha Dibeda & Dagaalka Siyaasadeed ee Somalia vs Ethiopia..