Golaha Guud ee Qaramada Midoobay Oo Taageeray aqoonsiga Dowladda Falastiin..

World

Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa cod aqlabiyad leh ugu codeeyay Jimcihii qaraar ay soo gudbiyeen Dalalka Carabta oo soo jeediyey in dib loo eego laguna taageero Xubinnimada Dawladda Falastiin ee Qaramada Midoobay, iyadoo Maamulka Israel uu ka hor yimid…

Codka loo qaaday qaraarkan ayey taageereen 143-Dal, halka ay diideen 9-Wadan, waxaana ka aamusay 25-Dal, Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa dib ugu celiyey Golaha Amaanka in codsigan dib u eegaan, waxayna inta badan wadamada Beesha Caalamka ee khudbadaha soo jeediyey ay si buuxda u taageereen in Falastiin ay buuxisay dhamaan sharuudaha ay ku noqon karto xubin buuxda oo kamid ah Qaramada Midoobay.

Falastiin waxay hadda haysataa maqaam goobjooge ah oo ka tirsan hay’adda caalamiga ah, taas oo u oggolaanaysa inay ka soo qaybgasho oo ay ka hadasho shirarka looga hadlayo arrimaha Falastiin iyo Bariga Dhexe, Qaraarka ayaa ballaarin doona xuquuqda Falastiin ee Qaramada Midoobay in ay ka soo qayb galaan oo ay ka hadlaan shirarka ku saabsan dhammaan arrimaha laakiin aan lahayn xuquuqda buuxda ee codbixinta.

326080cookie-checkGolaha Guud ee Qaramada Midoobay Oo Taageeray aqoonsiga Dowladda Falastiin..