Dadaalo Nabadeed Oo Laga Dhex Wado Sacuudiga Iyo Qatar

World

Dalalka Sacuudiga iyo Qatar oo sadexdii sano ee ugu u dambeeyay uu u dhaxeeyay khilaaf xoogan ayaa dadaalo nabadeed oo lagu heshiisiinaayo la bilaabay, iyadoo la sheegay iney wada gaaraan heshiis hordhaca ah sida laga soo xiganayo Saraakiisha Maraykanka oo dhex-dhexaadintan wada,..

La-taliyaha Madaxweynaha Maraykanka Mr.Jared Kushner ayaa Arbacadii shalay kulan magaalada Doxa kula yeeshay Amiirka Qatar, Kushner oo uu sodog u yahay Donald Trump ayaa la sheegay inuu dadaal ugu jiro in heshiis la dhex dhigo Sacuudiga iyo Qatar.

Mr.Kushner ayaa horaantii asbuucaan magaalada Riyadh kulan kula soo yeeshay Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salman oo la sheegay inuu soo dhaweeyey dadaalka ay wadaan wafdiga ka yimid Maraykanka.

Waan-Waantan ayaa ah mid u gaar ah Qatar iyo Sacuudiga, waxaana la sheegay inaysan qeyb ka ahayn dalalkii kale ee xulafada la ahaa Sacuudiga sida Imaaraatiga, Baxreyn iyo Masar oo dhinac ah iyo Turkey oo ka safan Qatar.

Sacuudiga ayaa laga codsaday inuu qaado xayiraada dhanka cirka ah ee uu kusoo rogay Qatar, isla markaana ogolaado in duulimaadka Qatar ay isticmaalaan hawada wadanka Sacuudiga.

Boqortooya Sacuudiga ayaa todobaadkan sheegtay inay hawadeeda u fasaxday duulimaadka shirkadaha laga leeyahay Israel ee tagaya wadanka Imaaraatiga.

Imaaraatiga ayaa la sheegay inay weli meel adag ka taagan yihiin xiisada u dhaxeysa iyaga iyo Qatar, taasi ayaa keentay in laga reebo wadahadalada hoose ee hada socda.

76270cookie-checkDadaalo Nabadeed Oo Laga Dhex Wado Sacuudiga Iyo Qatar