Guddiga Doorashada heer Federaal ayaa mar kale amray in la hakiyo Doorashada boobka ah ee Hop#086 oo uu musharax u yahay Edeysane Fahad Yasin, kaasoo Shalay galab ka degay magaalada B/Weyne isla xalay la gudoonsiiyay Warqada…
Qoraal xalay ka soo baxay Guddiga Doorashada FEIT oo dib ula wareegay maamulka barta uu ku leeyahay Facebook & Twitter-ka ayeey ku shaaciyeen qoraal cusub oo ay ku xaqiijinayaan qabashada (5) kursi iyadoo laga reebay kursiga uu muranku ka taagan yahay ee Hop#086.

Wararka ayaa sheegay in Guddiga doorashada ee heer Dowlad Goboleed ( Hir-Shabelle ayaa ku adkeystay iney qabanayaan tartankaasi, waxaase soo shaac baxaaya iney helis xoogan soo wajaheyso sharcinimada Kursiga Hop#086 xitaa hadii uu soo qaato maxaa yeelay shaqsi doorashadiisa lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha isla markaana in ka yar 24-saac joogay magaalada ayaa sharci aheyn.

Dhanka kale Guddiga Khilaafaadka doorashada ayaa joojiyay natiijada Kursiga Hop#045 oo xulashadiisu ka dhacday magaalada Baraawe kuna soo baxay Maxamuud Axmed Maxamed, isla markaasna ay dacwad ka gudbiyeen 3-Musharax ayaa hakiyay Doirashadaasi dhacay.