Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga soo sheegaya xilk ka qaadis lagu sameeyay Guddoomiyihii degmada Shibis Cabdiraxmaan Sayid Cali, xilli uu wajahayo eedeymo la xiriira musuq-maasuq.
Wararka ayaa sheegaya in Cabdiraxmaan Sayid Cali ayaa markii xilka laga qaaday kadib lagu xiray xarunta dambi-baarista (CID) ee Muqdisho, iyadoo uu ku socdo baaritaan la xiriira musuq-maasuq oo ka dhashay Dhaqaale lagu soo rogay dadka degan degmada Shibis.
Maamulka Degmada Shibis ayaa dhowaan waxa uu qoysaska dagan degmadaasi ku amray in ay bixiyaan lacagta dhan 12$, taasi oo laga rabo guri kasta oo ka mid ah guryaha ku yaalla degmada.

Dhaqaalahaan uu soo rogay Maamulka degmada Shibis ayaa ahayd mid ku kooban oo maamulka gobolka uusan ka war-hayn islamarkaana aysan la wadaagin degmooyinka kale ee gobolka.
Warqadda lacagta oo lagu sheegay lacag diiwaan-gelin ah ayaa waxaa warbaahinta la wadaagay dadka xaafadda, ayaga oo cabasho ka muujiyey taasi oo sida la sheegay maamulka gobolka uu ka war-helay.
Markii maamulka Shibis uu soo saaray amarkan, ayaa dadka xaafadda la amray inay bixiyaan lacagtan dhan 12$ qoys kasta, qoyskii diidana laga qaadi doono tallaabo adag, sida ku qoran warqado shacabka loo qeybiyay.