Shirkadaha Hormuud Iyo Dahab-Shiil Oo Culeysyo Saaray..

Politics

Bilihii ugu dambeeyay Waxaa Shirkadaha Hormuud iyo Dahabshiil ay Sare u qaadeen dagaal ganacsiyadeed oo ay ku hayaan Shirkadaha sarifka iyo dhigashada ee Forex Exchange ee laga hor geliyay Somalia..

Dagaal mindhicireedkaan oo salka ku hayo sadbuursi iyo suuq xirasho ayaa la sheegay in Madaxda Shirkadaha Hormuud iyo Dahabshiil ay u adeegsadeen Qeybaha Dowlada Sida Bangiga dhexe, Gobolka Benadir, Boliiska, NISA iyo Culumaa’udiinka Al-Ictisaam si loo xiro Xafiisyada Shirkadaha Forex-ka, bacdamaa uu ganacsigoodii Xawaaladaha iyo keydka lacagaha uu hoos u dhac weyn ku yimid 2-sano ee ugu dambeysay.

Waxaana maalmihii ugu dambeeyay soo shaac baxaaya uu baaqyo iyo dacaayado ay daaha gadaashiisa ka riix ayaan Labada Shirkadood ee kor ku xusan, iyagoo u adeegsaday koox web-yo ah iney dacaayado baxsasho ah oo aan Sal iyo raad toona la laheyn ka Faafiyaan in Madaxii Shirkadda Camel Forex ee xarunteeda tahay Magaalada Muqdisho oo shalay safar shaqo kaga dhoofay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Mr.Mohamed Abdi Bulle oo ah Madaxa Shirkadda Camel Forex ayaa Shalay u dhoofay Dalka Turkey, waxaana la sheegay inuu Dalka Cyprus uga qeyb geli doona shirar la xiriira horumarinta ganacsiga casirga ah ee Forex Exchange.

19090cookie-checkShirkadaha Hormuud Iyo Dahab-Shiil Oo Culeysyo Saaray..